Ladda ner presentationen
Presentation laddar. Vänta.
1
Caafimaadka ilkaha
2
Maxaan ilkaha ugu baahannahay?
In wax lagu calaliyo In la hadlo quruxda
3
Dhismaha iligga Iliggu wuxuu ka kooban yahay madaxa iligga iyo jirridda. Madaxa iliggu waxa weeye qaybta afka ka muuqata, halka ay jirriddu ku dhegsan tahay lafta qalka. Madaxa iligga waxaa dusha uga dahaaran maaddo sida lafta u adag, laakiin madaxa iliggu wuxuu ka samaysan yahay maaddo loo dentayn oo loo yaqaan lafta iligga. Qaybta hoose ee iligga waxaa ku samaysan moqor oo ay ku jiraan dareenwadayaal iyo dhiig-geeyayaal. Wuxuu moqorku ka smaysan yahay nudo isku dhafan oo ay ku jiraan xididdo dhiig iyo dareenwadayaal.
4
Iligga Oogada iligga… …iyo iligga
Iliggu wuxuu ka kooban yahay ilig iyo jirrid Qaybta ugu korreysa ee madaxa iliggu wuxuu ka samaysan yahay dheeh loo yaqaan enamel ama emalj oo ah nudda jirka aadamiga gu adag. Qaybta ugu weyn ee iliggu wuxuu yahay dentayn oo loo yaqaan lafta iligga oo ka samaysan laf jilicsan. Qaybata leh midabka basaliga ah oo ku taal iligga gudahiisa waxa weeye qayb leh dareenwadayaal.
5
Samayska iliggu wuxuu bilowdaa waqti hore
Ilmaha oo weli uurka ku jira ayaa samayska ilka-caanoodku bilowdaa. Samayska ilkaha joogta ah waxay bilowdaan wax yar ka hor inta aan ilmuhu dhalan Aadamigu wuxuu yeeshaa labo nooc oo ilko ah. Ilkaha hore oo loo yaqaan ilka-caanood waxa weeye kuwo ku habboon afka ilmaha. Waxaa loo malaynayaa in loogu magacaabay ilka-caanood, sababtoo ah waxay soo baxaan ilmaha oo weli naaska nuugaya.. Ilka-caanoodka waxaa kaloo loogu yeeraa ilkaha hore, halka ilkaha soo baxa kolka qofku koro loogu yeero ilkaha joogta ah. Isugeyntii wuxuu ilmuhu leeyahay 20 ilka-caanood, toban ku yaal daanka sare iyo toban ku yaal daanka hoose. Dhammaan 20 ilka-caanoodku waa ay dhacaan. Ilkaha ugu horreeya waxay badanaaba ilmaha u soo baxaan kolka uu jirsado lix ilaa siddeed bilood. Sida caadiga ah waxaa ilmaha ka hor dhaca foolasha daanka hoose oo ay ku xigaan foolasha daanka sare. Ilig-caanood walba oo dhaca waxaa booskiisii ka soo baxa ilig joogta ah. Ilka-dhacsigu wuxuu socdaa sanooyin badan oo laga bilaabo lix sano jirka ilaa 13 sano. Isugugeyntii waxaa qofka u soo baxa 28 ilkood oo joogto ah. Kolka la gaaro waxaa bilowda soo bixidda gaws-dambeedyada. Waxaa caadi ah in cirridka meeli ka bannaanayn kolka gaws-dambeedyadu soo baxayaan. Sidaas awgeed, ayey waqti u qaadataa inta gaws-dambeedyadu ka soo baxayaan. Waxaana badanaaba cirridka ku dhaca barar iyo caalir waqti dheer socda. Waxaa cirridka agagaarka iligga ku samaysma jeebab bakteeriya ku aruurto. Mararka qaarkood waxaa iligga ku soo durka cirridka. Haddii caalirku xoogeysto waxaa barara dhabanka oo waxaa dhib noqota in wax la calaliyo. Haddii caalirkaa iyo bararkaasi soo noqnoqdo waxaa la la xiriirayaa rugta daryeelka ilkaha.
6
Cirridka Ma ahan in cirrid caafimaadqabaa dhiigo kolka caadi loo cadayayo ama findhicil la isticmaalayo. Midabka ciriirdka caafimaadka qabaa waxaa caadi ahaan lagu tilmaami karaa basali ama casaan furan. Dusha iliggu waa mid aan sinnayn oo leh muuqaalka qobka liinta. Waxayna ku dhammaadaan ilkaha hareerahooda oo waxaa ilkaha dhexdooda buuxiya cirrid kor u soo taagan.
7
Sidaan yaad ilkahaaga u nadiifineysaa:
Ku aaddi cadayga cirridka geeskiisa oo caday ilkaha iyo cirridkaba. U caday sidii adigoo ku xoqaya Cadayga aad ha ugu xoojin Waxaa ugu sahlan in ilkaha isku mid loo cadayo maalin walba si ay ilka oo dhammi nadiif u noqdaan. Marka hore kuwa sare oo laga cadayo dusha, kadibna gudaha, cirridka iyo ilkahaba. Kadibna loo cadayo kuwa daanka hoose. Ugu dambayntii dhammaan meelaha wax lagu calaliyo – taxadar dheeraad ah. Sidaan ayaad ilkaha ugu nadiifineysaa hab wanaagsan Dadka badankood oo aan ka ahayn kuwa ilkaha dhibaato ka qaba, waxaa ku filan in ay ilkaha cadayaan subaxdii iyo habeenkii. Waxaa aad loo nadiifiyaa habeenkii. Cadayada badankood waxaa lagu nadiifin karaa ilkaha dhammaan ilkaha hareerahooda. Ilkaha dhexdooda waxaad u baahan tahay inaad u isticmaasho findhicil, dunta ilkaha ama buraashka ilkaha dhexdooda loogu talagalay. ¤ Cadayga ama buraashka ilkuhu waa inuu ahaadaa mid jilicsan ama aad u jilicsan. ¤ Isticmaal mar walba daawada ilkaha oo foloriin (fluor) ku jirto. ¤ Daawada ilka oo dhan wadagaarsii adigoo adeegsanaya buraashka ilkaha oo marmari ilkaha muddo labo daqiiqo ah.
8
Ilkaha ayaa xanuunaya Waxaa jira sababo badan oo ilkuhu u xanuunaan qofka aan ilkaha ku lahayn daloolo. Sabab badanaa dhacda waxa weeye in cirridku uu gadaal u durkay oo qayb ka mid ah iliggu ay soo muuqatay. Waana mid xasaasi ah oo kolka aad cabbayso wax qabow ama kulul, waxaa xanuun laga dareemaa dareen-wadayaasha iligga ku dhexjira.. Talasiin: Ka taxadar inaad ilkaha ku rumaydo ama cadaydo buraash jilicsan, oo daawada ilkahana ay ku jirto foloriin. Foloriintu waxay xoojisaa jiridda iligga si uusan noqon mid xasaasi ah. Waxaad kaloo isticmaali kartaa daawooyinka kale oo foloriin ku jirto oo warqad dhakhtar la’aan loogu iibiyo dukaanka daawooyinka. Waxaana ka mid kiniiniyo foloriin leh, daawo foloriin leh oo lagu luqluqdo iwm.
9
Waa in ay nadiif ahaadaan ilkaha dhexdoodu - waxayna muhiim u yihiin sida in la cadayo ilkaha
Dunta ilkaha Qoriga lagu findhicisho Buraashka ilkaha dhexdooda lagu nadiifiyo Waa in ay nadiif ahaadaan ilkaha dhexdoodu Buraashka caadiga ahi ma geli karo ilkaha dhexdooda. Waxaa loo baahan yahay in halkaa lagu nadiifiyo dunta ilkaha, findhicilka ama buraashka lagu nadiifiyo ilkaha dhexdooda oo laga heli karo dukaanka daawooyinka. Waa muhiim in la nadiifiyo ilkaha dhexdooda maadaama ay u dhigmaan baaxad ahaan iligga intiisa muuqata. Dunta lagu nadiifiyo ilkaha Meesha ilkuhu aad isugu dheggan yihiin ama cirridku ku soo fiday ilkaha dhexdooda, waxaa loo isticmaalayaa dunta ilkaha. Findhicilka Waxaa findhicilka loo isticmaalyaa ilkaha xoogaa kala durugsan. Findhicilku waa inuu ahaadaa mid saddexgees ah, maadaama ay inta u dhexeysa ilkaha iyo cirridku saddexgees yihiin. Buraashka ilkaha dhexdooda lagu nadiifiyo Haddii qofka ilkihiisu aad u kala fog yihiin ama uu fanax leeyahay, waxaa kolkaa ku habboon buraashka ilkaha dhexdooda lagu nadiifiyo. Dunta, findhicilka ama buraashka horay iyo gadaal qashinka ugaga saar ilkaha, kolka hore ku bilow hal dhinac kadibna dhinaca kale. Sidaas ku celceli ilaa inta aad ka nadiifineyso dhexda ilkaha oo dhan oo ha illaawin ilkaha dhinacdooda ku jira gudaha afka.
10
Ha illaawin carabka Carabka Waxaa ku urura bakteeriyo keenta ur xun, marka waa mihim in add xoqda carabka. ¤ Inta u dhexeysa iyo jeebabka cirrirdka ¤ Dahaarka ku dhega carrabka oo u dhexeeya daloolada carrabka ¤ Ilkaha jajabay (suus) ¤ Huurada ilkaha fuusha. ¤ Ilkaha oo qaab xun oo teelteel ah u yaal. ¤ Xiriir qaldan oo u dhexeeya ilkaha iyo kaabadda ilkaha. ¤ Qumanda oo godmada. ¤ Daloolka sanka oo la xiriira infakshan. ¤ Sanqada gudaheeda oo infakshan ku dhacay. Waxay bakteeriya badani ku ururtaa daloolada carrabka. Sidaas awgeed, waxaa habboon inaad carrabkana nadiifiso. Haddii aad dooneyso in aad si wanaagsan uga gaarto natiijo, waxaad adeegsanaysaa qalab carrabka lagu xoqo oo laga iibsado dukaanka daawooyinka. Waxay xoqeysaa bakteeriyada badankeed oo ka hortagaysaa neefta urka xun. Dhakhtarkaaga ilkaha ayaad weyddiin kartaa waxa ugu wacan in afku ku uro. Zink Cusbada Zink ku jiro waxay awood u leedahay in samayso falgalyo kiimikaad oo salfar ah. Taasi waxay waqti yar yaraysaa urka. Waxaa aad wax uga qaban kara iyadoo lagu luqluqdo iskudarka cusbada zink iyo maaddo bakteeriyada disha oo yaraysa urka afka. Ilkaha iyo afka oo si taxadar leh loo nadiifiyo waxa weeye habka ugu wanaagsan oo wax looga qabto urka xun oo ay samayso bakteeriyada afka ku jirta.
11
Isticmaalka foloriinta
Waxaa foloriin daryeelkla ilkaha loogu isticmaalaa hab ka hortagga ah, sababtoo ah foloriintu waxay ku samaysantaa dusha iligga oo kolkaasna ka dhigtaa iligga mid adkaada oo ay yaraato in iligga suus ama qurun galo. Fluortandkräm Fluorsköljning Fluortablett Fluortuggummi Fluor gel & fluorlack (på tandvården) Foloriin intee le’eg ayey carruurtu u baahan tahay? Iyadoo iligga lagu rumayo ama cadayo subax iyo habeenba daawo ay ku jirto foloriin, ayaa waxay carruurta iyo dadka waaweyba ka helaan foloriin badan oo difaac wanaagsan u noqota ilkaha. Waxay carruurta qaarkood ay mararka qaarkood u baahnaan karaan in ay isticmaalaan foloriin dheeraad ah, sida kiniini foloriin ku jirto ama daawada lagu luqluqdo oo foloriintu ku jirto, laakiin waa in aan loo taas isticmaalin carruurta da’doodu ka yar tahay 12 sano iyadoo aan dhakhtarada caafimaadka ilkuhu ku talin. Qiyaasta cabbirka ku habboon dadka waaweyn: • 0,25 mg kiniini foloriin oo la muurmuursado 5-6 goor maalintii • 0,25 mg xanjo foloriin leh oo la calashado daqiiqo 6 goor maalintii • 0,05 % oo foloriin lagu luqluqdo 2 goor maalintii
12
FOLORIIN DHEERAAD AH +
13
Nadiifin: Goorma ayey carruurtu bilaabayaan in ay ilkaha cadaydaan?
Ilaa da’dee ayey u baahan yihiin in la caawino ? Immisa jeer ayaa ilkaha la cadayayaa? Nadiifin: Goorma ayey carruurtu bilaabayaan in ay ilkaha cadaydaan? Ilaa da’dee ayey u baahan yihiin in la caawino? Immisa jeer ayaa ilkaha la cadayayaa? Ilka-cadayga carruurta: Goorma ayey carruurtu bilaabayaan in ay ilkaha cadaydaan? Ku bilow inaad ilkaha ilmaha cadaydid marka iligga ugu horreeyaa u soo baxo. Caday ilkaha subaxdii iyo habeenkiiba, si ay cadayashadu u noqoto mid dabiici ah oo ka mid noqota waxyaalaha la qabto maalin walba. Waxaa cadayashada bilowga hore looga dan leeyahay in ilmuhu caadeysto, laakiin haddii ilko badan u soo baxaan waxaa kolkaa muhiim ah in ilkaha la nadiifiyo. Qof weyn ayaa ka caawinaya cadayashada oo waxaa loo isticmaalyaa buraashak caadiga ah ama kan korontada ku shaqeeya. Waxaa ilkaha la cadayayaa maalintii labo goor. Subaxdii quraacda kadib iyo habeenkii inta la seexan ka hor. Carruurtu ma isticmaalayaan daawada ilkaha lagu cadayo? Daawada cadaygu waxay fududeysaa nadiifinta ilkaha, waana hab wanaagsan oo ilkuhu foloriin ku helaan. Foloriin waxa weeye maaddo dabiici ah oo adkaysa difaacdana ilkaha, si aysan sahal ugu yeelan daloolo ama suus u gelin. Daawooyinka ilkaha waxaa ku kala jira qiyaaso kala geddisan oo foloriin ah, sidaas awgeed in daawada ilkaha carruurta lagu bilaabo kolka ay gaaraan da’da dugsiyada barbaarinta. Waxaa ku filan in yar oo daawada ilkaha oo buuxisa ciddida faryarada. Ma in loo oggolaadaa in carruurtu luqluqato cadayashada kadib? Ma aha wax muhiim ah in la luqluqdo cadayashada kadib. Carruurta yaryari ma luqluqan karaan oo kolka cadayanayaan waa in loo isticmaala biyo yar. Goorma ayey carruurtu keligood cadayan karaan? Waxay carruurtu u bahan tahay in laga cadayga laga caawino, xataa haddii ay marar la tahay in ay keligood cadayan karaan. Kolka ay gaaraan sagaal ilaa toban jir ayey carruurtu awood u yeeshaan in ay nadiifiyaan dhammaan qaybaha ilkaha, kor iyo hoosba. Cadayashada waa in lagu bilaabaa in kolka hore ilmaha keligii cadaydo waqti gaaban, kadibse qofka weyni u dhammaystiro cadayashada. Carruurta yaryari ayey u baahan yihiin caawimaad ka badan tan carruurta waaweyni u baahan yihiin.
14
Dahaar ilkaha kor saaran
Waa wax dahaar huuro u eg oo ilkaha kor fuula. Waxayna badanaaba ka kooab tahay bakteeriyo. Dahaarku wuxuu sababaa dhibaatooyin kale oo ilkaha ku dhaca. Dahaarku waxa weeye sababta ugu weyn oo keenta in ilkuhu dalooshamaan ama daataan. Dahaarku waa wax huurada u eg oo ilkaha ku dhega, waxay badanaaba ka kooban tahay bakteeriyo. Dahaarku wuxuu isagoo bakteeriyo ah ku samaysmaa iliggii la nadiifiyey dhawr saac cadayashada kadib. Bakteriyada ugu horreysaa waxay gashaa meelaha jajaban, daldaloola ama aan sinnayn iyo cirridka hareerihiisa. Waxaa halkaa badanaaba ku hara bakteeriyo hore, xataa haddii horay la isu dayey in aad ilkaha loogu nadiifiyo. Dahaarku wuxuu dhaqso ugu samaysmaa meelaha aan sinnayn marka la barbar dhigo meelaha siman. Haddii dahaarka loo dhaafo si dhaqso ah ayey u sii ballaaranaysaa. Hab aad waxtar u leh oo lagu ogaado in caafimaadka afka laguu guuleystay waxa weeye iyadoo dukaanka daawooyinka laga iibsado kiniini wax midabeeya. Meelaha bakteeriyadu ku hartay ayaa casaata ama guduudata taas oo lagu ogaado meelaha aan aad loo cadayin. Khddaasina waa hab wanaagsan oo lagu barto meelaha afka ka mid ah oo ay dhib badan tahay in la nadiifiyo.
15
Suuska Suusku waxa weeye cudur infakshan ah oo looga hortegi karo iaydoo la caadeysto cunidda cunto wanaagsan iyo nadaafadda afka. Qaar ka mid ah bakteeriyada afku waxay si fudud ugu ururtaa ilkaha dushooda, waxayna sameeyaan huuro ay run ahaantii adag tahay in la arko. Kolka ay bakteeriyadu hesho nafaqo ay ka mid yihiin sonkorta, waxaa samaysma aashito cuna ilkaha dushooda. Haddii ay aashitadaasi cuneyso ilkaha waqti dheer, waxaa bilowda in ilkaha suus galo – daloolo ku samaysmaan ilkaha. Kolka uu suusku soo dhexgalo, si fudud ayuu isu fidiyaa oo sii qodmaa haddii dhaqso wax looga hortegin. Kolka weerarkaasi u soo dhowaado ama soo gaaro qaybta dareen-wadayaasha, wuxuu dareen-wadayaasha u geystaa dhaawac, waxaana keli ah oo la dareemaa xoogaa damqasho ah. Haddii suuska iyo bakteeriyada wehelisaa ay soo qaybaha dareen-wadka, waxaa tartiib u dhintaa dareenka iligga. Haddii aan cudurkaas la daaweyn waxaa sii fidaya oo ballaaranaya bakteeriyada oo gaareysa jiridda iligga oo ugu dambayntiina hareeraha jiridda iligga. Waxaana agagaarka jiridda iligga ku samaysma boog. Marinada jiridda iligga ayaa waxaa gala infakshan keena in infakshan wata xanuun xooga ah galo lafaha daamanka.
16
Hur får man hål i tänder? Sida ilkuhu daloolka ugu yeeshaan
Mar walba oo aad wax cuneyso oo cabbayso, waxay bakteeriyadu heshaa nafaqo. Bakteeriyadu waxay kaarboonhaydaraatka u beddeli kartaa AASHITO Gaar ahaan haddii cuntada SONKOR ku jirto Samayska aashitadu waxay qaadataa 5-10 daqiiqo. Waqtigaa waxaa qodma iligga. Haddii weerarka aashitadu bato oo isku xigxigo waxaa samaysma SUUS
17
Huurada ilkaha Muddo 24 saac gudahood ah ayey huuradu ku samaysmi kartaa oo inta ay adkaato isu beddeli kartaa huurada ilkaha, taas oo adkaysa in buraashka cadayga lagu tirtiro. Kolka huuradaas (dahaar bakteeriyo ah) ay ku duldegto ilkaha, waa ay adkaataa oo isu beddeshaa huurada ilkaha. Waxayna samaysantaa kolka ay falgal isla sameeyaan cusbooyin candhuufta weheliya. Sidaasna waxaa ku samaysanta huurada ilkaha. Waxaa tartiib tartiib u adkaata huurada ilkaha oo waa ay adkaataa in la baabi’iyo. Huurada ilkuhu waxay iyana sababtaa in bakteeriyadu si fudud ugu sii dhegto. Sidaas awgeed, waxaa lamahuraan ah in joogto loogu talo dhakhtarka ama daryeelaha caafimaadka ilkha si huurada looga qaado ilkaha. Huurada raagtay midabkeedu wuu madoobaadaa badanaaba, waxaana midabka isbeddelay sababa maaddooyin kala geddisan oo cuntada laga oo ku kaydsama huurada. Cabbitaanka sigaarku wuxuu isna keenaa midabka ilkaha oo isbeddela.
18
Inflammation i tandköttet & tandlossning
Astaanta ugu horreysa oo lagu garto in cirridku la bararay infakshan galay awgiis iyadoo cirridka ilkaha u dhowi bararo oo midabkiisu isu rogo casaan ama guduud Daadashada ilkuhu (Parodontit) waxay ka mid yihiin cudurada afka ku dhaca oo dunida ugu badan. Waxaa cudurka sababa bakteeriyo gashay meel caallir ku dhacay oo u dhexeysa ilkaha iyo cirridka. Bakteeriyadaas oo ku urursan jeebabka cirridku waxay sababtaa caallir iyo barar, tilmaan u difaaca jirku ku la dagaalamayo bakteeriyada. Haddii aan cudurkaa wax laga qaban wuxuu sababayaa in nudaha jirku burburaan oo ugu dambayntii ilkuhu ka soo daataan daanka. Habka loo daaweynayo Farsamayaqaanka ilkaha nadiifiya ayaa huurada ka xoqaya ilkaha. Cunto iyo cabbitaan loogu talagalay ilkaha fiyow, in dahaarka laga qaado iyo raajo la saaro. Isbar sidii aad uga hortegi lahayd waqti hore
19
Cuntada iyo cabbitaanka ilkaha caafimaadka ah
Harraadka iskaga baabi’i biyo oo iska ilaali cabbitaan sonkor ku jirto Wax cun waqtiyo joogto ah oo iska ilaali inaad hadba wax yar cunto si ilkuhu u nastaan Cun nacnaca iyo macmacaanka kale toddobaadkiiba hal mar Cun cunto caafimaad leh oo iska ilaali waxcunidda yaryar Cuntada wanaagsan waxay ka mid tahay waxyaalaha nolosha farxadda geliya. Mase ogayd in mar walba oo aad wax cunto ay ilkaha soo weerareyso aashito? Candhuuftu waxay difaacdaa ilkaha iyadoo ka baabi’ineysa aashitada oo nadiifineysa. Haddii ay caado kuu tahay inaad marar badan wax cunto waxay taasi saamayn ku yeelaneysaa ilkahaaga oo candhuuftu kama gaareyso in ay difaacdo. Kolka suus ayaa ilkaha kaa gelaya – doloolo ilkaha ku samaysma. Daa ilkuhu ha nasteene Waxaa muhiim ah in ilkuhu ay nastaan marmar. Marka, daa marmar ha nasteene. Waxaad taas beddelkeeda samayn kartaa inaad cunto waqtiyada quraacda, qadada iyo cashada. Waxaa wanaagsan inaad biyo canto waqtiyada waxcunidda u dhexeeya. Haddii aad waqtiyo kala duwan shaqayso waxaad samaysaa taxadar dheeraad ah. Candhuufta Waxay candhuuftaadu muhiim u tahay caafimaadka ilkahaaga. Waxaad ku horumarin kartaa tayada candhuuftaada adigoo cuna cunto u baahan calalis badan si ay ilkuhu u shaqeeyaan. Tufaaxa, dabacasaha iyo rootiga adagi ma aha macaan keli ah ee waxay ilkaha siiyaan hawlgalka ay u baahan yihiin. Waana habkaas sida aad ku kordhin karto waxsoosaarka candhuufta oo aad ugu heli karto difaac adag. Carruurta iyo dadka waaweyniba waxay u baahan yihiin biyo badan. Biyaha caadiga ah oo la cabbo waa waxa ugu wanaagsan oo harraadka lagu bi’iyo. Sidaas awgeed, waxaa wanaagsan in aad carruurta goor hore caado uga dhigtid in ay biyaha cabbaan. Waqtiyada cuntada waxaa ku habboon biyo ama caano, halka cabbitaanka macaan uu ku habboon yahay waqtiyada xafladaha. Cabbitaanada sonkortu ku badan sida fiintada, kooka koolada, faantada iwm ma aha in ay khatar weyn u yihiin in ilkuhu dalooshamaan ee waxay kaloo yareeyaan baahida. Ka ilaali carruurta inaad dhalada ama qaruuradda ugu shubto caabbitaano ay ka mid yihiin biyoliimo ama cabbitaanka miraha nypon. Waxcunidda iyo cabbitaanka habeenkii, gaar ahaan waxyaalaha macaan, waxay keeni karaan khatar weyn oo ilkaha daloolo ugu samaysmaan. Carruurtu waxay durbadii ogaadaan in nacnac jiro, gaar ahaan kolka ay qoyska ka tirsan yihiin walaalo ka waaweyn. Marka ugu horreeya oo ay carruurtu dhadhamiso nacnaca, waxaa habboon in la soo rogo xeer ah in toddobaadkiiba hal maalin lagu cuno nacanacyada. Nacnaca, jallaatada iyo waxyaalaha kaloo macaani waxay waxyeeladoodu yar tahay kolka cuntada la cunaba horay laga cuno. Waxyaalaha dhegdhegga ah ama ku hara afka iyo ilkuhu waa ay uaga khatarsan yihiin ilkaha kuwa dhaqso ku baaba’a. Noocyada nacnaca iyo daawooyinka macaanka lehi waxay khatar u yihiin ilkaha.
20
Afka oo qalala ama engega - candhuufo la’aan
Maxaa sabab u ah? Maxaa laga qaban karaa? Afka oo engega, candhuufo la’aan Waxaa afka ku yaal qanjirro waaweyn oo candhuufta sameeya iyo kuwo yaryar. Qanjirarrada waaweyn waxay sameeyaan candhuufta kolka wax la cunayo, gacan ayeyna ka geystaan shiididda cuntada. Waqtiyada waxcunidda u dhexeysa waa ay nastaan. Qabjirrada yaryarise mar walba canshuuf ayey sameeyaan. Candhuuftaasina waa mid dareere ah oo difaacda oo qoysa xuubka afka. Kolka candhuufto yaraato waxaa qofka qalala ama engega afka. Maxaa u sababa? Candhuufta oo yaraataa waxay sababtaa inuu xumaado difaaca daloolada ilkaha, suuska ilkaha gala iyo caallir ku dhaca cirridka ama xuubka afka. Dad badan oo uu afku engegay ayaa waxaa dhib ku noqda wax liqidda iyo hadalka iyo in ay dhibto waxcuniddu. Daawooyinka iyo cudurada Daawooyinku waa sababaha ugu weyn ee afka engegay. Afka oo engegaa wuxuu iman karaa kolka la isticmaalo daawooyinka lagu daaweeyo infakshanka afka, cudurka qalalka, welwelka, walbahaarka, hurda-xumida, niyadjabka, xasaasiyadda iyo cuncunka. Waxaa kaloo jira cuduro kale oo keeni kara in afku engego, sida cudurada roomatiisamka, cudurka sonkorta ama macaanka, niyadjabka iyo qanjirada candhuufta sameeya oo isbeddel ku dhaco. Dadka sigaarya-cabka ama tobaaka-cunka ah waxaa iyagana ku dhici afka oo engega oo ay sabab u tahay qanjirada afka oo waxyeelo gaartay. Da’da Waxaa caadi ah in afku ina engego kolka aan gabowno. Waxaa yaraata hawsha qanjirada candhuufta, sida ay qanjirada kale oo jirku ku dhaco isbeddel saameeya waxqabadkooda, taas oo ay ugu wacan tahay da’da korhdeysa. Sababaha kale Afka oo laga neefsado iyo khuuradu waxay badanaa keenaan afka oo engega. Waxyaalaha kale oo sababa waxaa ka mid noqon kara welwelka hawsha ama fekerka badan iyo xasilooni la’aanta. Maxaa laga qaban karaa? Ma jiraan daawooyin wax looga qabto engega afka, laakiin waxaa jira waxyaalo yareeya iyo kuwo ka hortaga. Haddii aad afka ka engegan tahay waxaad u baahan tahay foloriin ka badan inta dadka kale. Waxaana ugu wanaagsan in foloriinta loo kala qaybiyo maalinta sida ugu suurtagalka ah. ¤ Afka oo biyo lagu luqluqaa waxa weeye hab fudud oo wanaagsan oo looga hortago afka engega. Waana in la cabbaa biyo badan oo la iska ilaaliyaa cabbitaanka sonkorta leh. ¤ Waxaa wanaagsan in cuntada aad loo calaliyo, oo ay kas ii wanaagsan tahay in la doorto cuntada calaliska u baahan sida dabacasaha oo aan la karin. Waxaa kaloo wanaagsan xanjada aan sonkortu ku jirin. Haddaba, si ilkaha loo difaaco waxaa la isticmaali karaa xanjada ay ku jirto foloriintu. ¤ Dukaanka daawooyinka waxaa laga helaa daawooyin badan oo dhibaatadaas yareeya oo kordhiya samaynta candhuufta. Wuxuu qofku kala dooran karaa kiniiniyada la muurmuursado, xanjooyinka iyo daawooyinka afka lagu buufiyo. Waa fuduahay in ilkaha dalool ku samaysmo Haddii candhuuftu yaraato waxaa xumaada difaaca ilkaha ka ilaaliya daloolada, suuska iyo infakshanka cirridka iyo xuubka afka
21
Ilka xanuunka Daloolka ilkaha, qoditaanka aad u hooseeya, Luqunta iligga oo dibedda u soo baxda Isxoqidda ilkaha, infakshanka cirridka Ilka-xanuunka uu infakshanku ku dhaco dareen-wadayaasha waxaa sababa: Dalool ilkaha ku samaysma, oo lagu magacaabo suus Qoditaanka hoose Luqunta iligga oo dibedda u soo baxda Dhaawac ilkaha gaaray Kolka ilkaha la buuxiyey ay xumaadaan ama dhacaan Dildilaaca ilkaha Ilkaha oo duugooba Sababaha kale oo ilka-xanuunka keena waxaa ka mid noqon kara Isxoqidda iyo iscadaadinta ilkaha Infakshan cirridka ku dhaca kolka ilig cirrirdka ka soo dhexbaxayo Xanuunka ka yimaada ilig la saaray Ilkaha iska daata Ilig la geliyey oo cirridka xoqaya Infakshan ka yimaada ilig la buuxiyey. Maxaad samaysaa haddii ilig ku xanuuno? Waqti ka qabso dhakhtarka ilkaha. Haddii ay aad kuu xanuunayaan waxaa lagu siin karaa daawada xanuunka dejisa inta aad dhakhtarka la kulmeyso. Haddii uu xanuunku joogsado inta aadan dhakhtarka lakulmin, waxaa habboon in ilkahaaga lagu sameeyo baaritaan. Waad og tahay in xanuunku soo noqonayo haddii aan wax la qaban.
22
Nabarada afka Burooyinka nabarada ah oo ka soo baxa dibnaha iyo agagaarkooda waxaa sababa infakshanka fiiruska Herpes. Waxaa dhici kartaa in fiirus jirka ku jiray waqti dheer iyadoo aan wax dhibaato ah la dareemin. Nabarada dibnaha iyo agagaarkooda Oo ay sababaan infakshanka fiiruska Herpes. Fiirusku wuxuu jirka ku jiri karaa waqti dheer iyadoo aan wax dhibaato ah la dareemin. Laakiin ka imaan kara waxyaalahaan Hargab, caadada dumarka, shaqo xad-dhaaf ah ama qorraxda oo la isu dhigo ayaa infakshanka keeni kara. Nabarada afku waxay badaanaa ku bilowdaan xajiin iyo cuncun, waxayna isu beddelaan meesha oo casaata, bararta oo u ekaata burroyin biyo ku jiraan. Burooyinku badanaa waa dilaacaan oo waxay isu rogaan nabar. Nabaradaasi waa ay bogsoodaan toddobaad kadib. Burooyinkaas iyo nabaradaasi waxay mar walba ka soo baxaan isku meel. Maxaad adigu samayn kartaa? ¤ Ma habboona in burooyinka la dilaaciyo, waayo waxaa sidaas ku fidi kara infakshanka. Waxayse kale kaloo daahisaa bogsashada. Haddaba, sidooda u dhaaf burooyinka iyo nabarada. ¤ Fiiruska Herpes waxaa lagu kala qaadaa xiriir toos ah sida jirka oo istaabtay. Weligaa mayr ama dhaq gacmaha mar walba oo aad taataabatay burooyinka ama nabarada. ¤ Waxaa daawooyin aan u baahnayn in dhakhtar qoro iyo kuwo dabiici ah oo dhibaatada yarayn kara. Burooyinka afka Burooyinka iyo nabarada afka waxaa sababa fiirus. Sababtu waxay noqon kartaa nabar qarsoon oo soo noqnoqda oo mar walba isku meel ka soo baxa. Waxaa mararka qaarkood nabarada keena haddii wax ku dhacaan, sida ilig af badan oo isku xun u fadhiya. Nadaafada wanaagsan ee afku waa muhiim. Haddii adkaato in ilkaha la cadayo, waxaa lagugu la talinayaa in aad maalintii laba goor ku luqluqato daawooyinka ay ka mid yihiin Corsodyl ama Hexident. Haddii xuubka cirridku yahay mid xasaasi ah waxaa habboon isticmaalka Zendium oo ah daawo ilkaha, waana ay ka khafiifsan tahay daawooyinka kale ee ilkaha.
23
Iscadaadinta iyo isxoqidda ilkaha
waxaa lagu xallin karaa isticmaalka caag u samaysan sida daan ilko leh oo afka la geliyo Qofka ilkihiisu iscadaadiyaan wuxuu badanaa ka cawdaa madax-xanuun, murqaha daamanka oo xanuuna, iyo xanuun laga dareemo wejiga, luqunta iyo garbaha iyo ilkaha oo laga dareemo qabow jiririco leh. Sababahaasna horay ayaa looga dooday haddana waa laga doodaa. Aragti ka mid ahi waxa weeye in ay sababto qaabka ilkaha oo si qaldan u dhisan. Aragti kalena waxay leedahay waxaa iscadaadinta ilkaha keena dhibaatooyin xagga maskaxda. Waxayse u badan tahay in ay tahay waxyaalahaas oo la isu geeyey, maadaama uu kadeedka badani muujiyey inuu dhibaatada kordhiyo, meesha caagga la isticmaalaa uu yareeyo dhibaatada. Caagga ilkaha geliyo Ma la soo toostaa madax-xanuun, daamanka oo ku xanuuna ama lafaha daamanka oo ku jiriricooda? Waxaa wax looga qaban karaa caagga ilkaha oo sababa in murqaha daamanku nastaan inta la hurdo. Wuxuu daboolaa ilkaha, wuxuuna murqaha daamanka ka caawinaa in ay nastaan maadaama caaggaas si wanaagsan loo farsameeyey oo la la kaashaday farsamayaqaanada ilkaha. Waxaa caagga badanaaba la isticmaalaa xilliga la hurdo. Laakiin waxaa jira dad waqti walba isticmaala, taas oo ku xiran sida qofka xanuunku u hayo. Kolka caaggaas la isticmaalayo habeenkii waxaa habboon nus saac ka hor inta aan la seexan afka la sii geshado. Kolka caagga la iska saaro waxaa la dareemaa si caadi ahayn, taasna waxaa sabab u ah murqaha daamanka oo nastay. Saacad kadibse dareenkaasi wuu yaraadaa. Daryeelka Caday ilkaha inta aadan caagga afka geshan Ku nadiifi caagga buraashaka ilkaha iyo xoogaa daawada ilkaha ah Kolka aadan isticmaalayn caagga ku dhexrid weel uu ku jiro nadiif ah
24
Jaqidda caagga carruurta iyo suulka
Haddii uu ilmuhu joogto u nuugo caagga ilmaha ama suulka waxaa laga dareemaa agagaarka ilkaha. Haddii uu ilmuhu joogto u nuugo caagga ilmaha ama suulka waxaa laga dareemaa agagaarka ilkaha. Dusha daanka kore ayaa horay u soo baxda oo bannaanka timaadda oo waxaa adkaata in ilkuhu is taabtaan kolka uu doonayo inuu wax qaniino. Haddii ilmuhu dhaco wuxuu khatar weyn ugu sugan yahay in dhaawac ilkaha ka gaaro. Inta badanna waa ay saxmaan ilkahaasi kolka ilmuhu joojiyo inuu wax nuugo ama ay ilko cusubi u soo baxaan. Laakiin mararka qaarkood waxaa loo baahnaan karaa in ilmaha marka uu gaaro waqti dugsiga loo geliyo biro ilkaha siman. Nuugidda suulku waxay keeni kartaa in ilkuhu isdhaafaan, laakiin uu waqti hore iska dhaafo iyagaa isasa saxa. Haddiise uu sii wado suul-nuugidda isagoo ilkihii joogtada ahaa u soo baxeen, kolka dhibaato ayey u keeni kartaa oo waxaa loo baahnaan karaa in biro loo geliyo.
25
Haddii aad ilkaha xanaanayso waqti dheer ayey fiyoobaanayaan!
Caday ilkaha subaxdii iyo habeenkii. Joogto u la xiriir dhakhtarka ilkaha si loogu sameeyo baaritaan. Wax cun waqtiyo joogto ah oo nasi ilkaha waqtiyada u dhexeeya cuntooyinka. Ilaali caafimaadka ilkahaaga!
26
Caawimaadda daryeelka caafimaadka ilkaha ee Landstinget
daryeelka caafimaadka ilkaha oo soo baxay 1999 wuxuu maamulka gobolku ka caawinayaa: Fast pris per år. I Frisktandvården betalar du en fast summa varje år. Vad din kostnad blir avgörs av vilken premiegrupp du placeras i. Du kan antingen betala hela årsavgiften på en gång eller per månad med autogiro. Nya priser från 1 juli, 2007 Waaxda qaabbilsan dalabka daryeelka caafimaadka ilkuhu waxay la shaqaysaa qaybta caawimaadda daryeelka caafimaadka ilkaha oo loogu talagalay naafada iyo dadka buka. Sida ku qoran xeerka daryeelka caafimaadka ilkaha oo soo baxay 1999 wuxuu maamulka gobolku ka caawinayaa: booqasho lacag la’aan ah oo uu farsamayaqaanka ilkuhu guriga ugu tago waxbarashada daryeelka afka oo la siiyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka degmada daryeelka ilko oo baahiyi keentay oo la siiyo qofka xaqa u leh caawimaadda daryeelka caafimaadka ilkaha, iyadoo laga qaadayo kharashka daryeelka caafimaadka caadiga ah daryeelka caafimaad ilko oo la siiyo dadka qaba cuduro gaar ah, iyadoo laga qaadayo kharashka daryeelka caafimaadka caadiga. Qofku xor ayuu u yahay doorashada dhakhtarka ilkaha waxaana laga la xiriiri karaa Folktandvården ama dhakhtarada ilkaha oo gaarka ah. Laakiin daaweynta qaarkeed waa marka hore ay oggolaatay hay’adda Beställarenheten för tandvård. Daryeelka caafimaadka ilkaha Caawimaadda daryeelka caafimaadka ilkaha Caawimaada cusub ee daryeelka caafimaadka ilkaha micneheedu waxa weeye in dhammaan dadka da’doodu ka weyn tahay 20 sano laga caawimaad laga siinayo daryeelka caafimaadka ilkaha. Waxayna caawimaaddaasi isugu mid deeq ah iyo mid magdhaw ah oo qofka looga ilaalinayo inuu bixiyo kharash aad u sarreeya. Waxay caawimaaddaasi dhaqangeleysaa laga bilaabo 1da Luulyo 2008. Deeqda guud ee daryeelka caafimaadka ilkaha Haddii aad jirto 20 sano ama ka weyn tahay waxaad xafiiska caymiska dadweynaha heleysaa lacag aad u isticmaasho inaad ku bixiso daryeelka caafimaadka ilkahaaga. Deeqdaasi waa ay kala duwan, taas oo ku xiran da’da: 20-29 sano waxay deeqdu noqoneysaa 300 karoon/sannadkii karoon labadii sano. 30-74 sano waxay deeqdu noqoneysaa 150 karoon/sannadkii karoon labadii sano. 75 sano iyo ka weyn waxay deeqdu noqoneysaa 300 karoon/sannadkii karoon labadii sano. Waxaad lacagta daryeelka ilkaha urursan kartaa ugu badnaan labo sano. Kolka aad dooneyso in aad isticmaasho deeqda daryeelka ilkaha, noo sheeg kolka aad na soo booqato. Magdhawga kharashka daryeelka caafimaadka ilkaha – ka hortagga kharash aad u sarreeya Waxay dowladdu dejisay liis ay qoran yihiin qiimaha hadda la bixinayo, laakiin qiimaha aad adigu bixineysaa sidaan wuu ka geddisnaan karaa. Kharashka daryeelka caafimaadka ilkaha oo gaaraya ilaa 3000 oo karoon, waxay dadka waaweyni bixinayaan kharash buuxa, sida ku qoran liiska qiimaha. Deeqda guud ee daryeelka caafimaadka ilkaha ayaa loo isticmaali karaa in qayb lagu bixiyo. Kharashka u dhexeeya karoon waxaa laguu soo celinayaa boqolkiiba 50. Kharashka ka badan karoon waxaa laguu soo celinayaa boqolkiiba 85. Ma dooneysaa inaad wax badan ka ogaato? Nala soo xiriir. Birgitta Wallman (Nedan behöver inte översättas)
Liknande presentationer
© 2024 SlidePlayer.se Inc.
All rights reserved.